Galmudug State University

Xafladda Qalin-Jabinta Dufcadda 1aad

Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 1-aad ee Jaamacadda Galmudug State University oo Lagu Qabtay Magaalada Cadaado

Cadaado – 15 October 2025: Xarunta Diiriye Halls ee magaalada Cadaado maanta waxaa si heer sare ah uga qabsoontay xafladda qalin-jabinta Dufcaddii 1-aad ee ardayda Jaamacadda Galmudug State University.

Munaasabaddan qalin-jabinta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug, maamulka degmada Cadaado, bahda waxbarashada, aqoon-yahanno iyo marti sharaf kale.

Ardayda maanta qalin-jabisay ayaa tiradoodu dhaneyd 78 arday, kuwaas oo isugu jiray 30 wiil iyo 48 gabdhood. Ardaydan ayaa ka kala baxay kulliyadaha:

  1. Faculty of Health Science
  2. Faculty of Management Science
  3. Faculty of Engineering and Computer Science

Xafladda waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Galmudug, waxaana ugu horreeyey Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.

Dhanka kale, maamulka degmada Cadaado ayaa sidoo kale si weyn uga qeyb qaatay munaasabadda, waxaana hoggaaminayey Ku-xigeenka Duqa Magaalada Mudane Cabdixakiin Maxamed Cali, iyadoo ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada, bahda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo dardaaran u jeediyey ardayda qalin-jabisay, iyagoo ku boorriyey inay aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyn, maamulka Jaamacadda Galmudug State University ayaa uga mahadceliyey dhammaan martidii iyo masuuliyiintii kasoo qeyb-gashay munaasabadda, iyagoo tilmaamay in qalin-jabintani ay tahay tallaabo muhiim u ah horumarka waxbarashada sare ee Galmudug.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top