Galmudug State University

News

News

Xafladda Qalin-Jabinta Dufcadda 1aad

Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 1-aad ee Jaamacadda Galmudug State University oo Lagu Qabtay Magaalada Cadaado Cadaado – 15 October 2025: Xarunta Diiriye Halls ee magaalada Cadaado maanta waxaa si heer sare ah uga qabsoontay xafladda qalin-jabinta Dufcaddii 1-aad ee ardayda Jaamacadda Galmudug State University. Munaasabaddan qalin-jabinta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug, maamulka degmada Cadaado, bahda waxbarashada, aqoon-yahanno iyo marti sharaf kale. Ardayda maanta qalin-jabisay ayaa tiradoodu dhaneyd 78 arday, kuwaas oo isugu jiray 30 wiil iyo 48 gabdhood. Ardaydan ayaa ka kala baxay kulliyadaha: Xafladda waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Galmudug, waxaana ugu horreeyey Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda. Dhanka kale, maamulka degmada Cadaado ayaa sidoo kale si weyn uga qeyb qaatay munaasabadda, waxaana hoggaaminayey Ku-xigeenka Duqa Magaalada Mudane Cabdixakiin Maxamed Cali, iyadoo ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada, bahda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo dardaaran u jeediyey ardayda qalin-jabisay, iyagoo ku boorriyey inay aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada iyo horumarka dalka. Ugu dambeyn, maamulka Jaamacadda Galmudug State University ayaa uga mahadceliyey dhammaan martidii iyo masuuliyiintii kasoo qeyb-gashay munaasabadda, iyagoo tilmaamay in qalin-jabintani ay tahay tallaabo muhiim u ah horumarka waxbarashada sare ee Galmudug.

News

BOOQASHADA GUDOOMIYAHA DEGMADA CADAADO

Guddoomiyaha Degmada Cadaado ayaa maanta kormeeray tababarka ka socda Jaamacadda GSU. Tababarkan, oo loo qabtay ardayda fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Degmada Cadaado, ayaa ku saabsanaa sida loo soo koobo maadooyinka iyo habka loo diyaariyo imtixaanka. Guddoomiyuhu waxa uu hadal kooban oo dhiirigelin ah u jeediyay ardayda ka qeybgalaysa tababarka.

News

BOOQASHADA WASAARADDA WAXBARASHADA GALMUDUG

WAFDI SARE OO KA SOCDA WASAARADDA WAXBARASHADA GALMUDUG OO BOOQASHO KU YIMID XARUNTA DHEXE EE JAAMACADDA GSU – CADAADO. Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Albashir Elmi Hussein, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid xarunta Jaamacadda Galmudug State University (GSU) ee Magaalada Cadaado. Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka & Maaliyadda Jaamacadda, Eng. Ibrahim Abdinoor, waxa ayna booqdeen qaar kamid ah fasallada ardayda ee xiisadaha qaadanayay, iyaga oo ardayda ku dhiirrigeliyay in ay ku dadaalaan waxbarashada. Wafdiga waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda sida: Dugsiyada, Manaahijta iyo Macallimiinta, Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, Dugsiyada Diiniga ah, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Cadaado iyo Madaxa Quudinta waxbarashada degmada. Wafdiga ayaa kulan la qaatay maamulka sare ee GSU, kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha waxbarashada, iyadoo la isku afgartay xoojinta iskaashiga u dhexeeya wasaaradda iyo jaamacadda, abuurista barnaamijyo horumarin ah, iyo cilmi-baarisyo wadajir ah si loo helo xog wax-ku-ool ah oo lagu hago horumarinta waxbarashada Galmudug. – Dhamaad –

News

Dhismaha wadada Jaamacadda

Gudoomiyaha Jaamacadda GSU iyo Gudoomiyaha Degmada Cadaado ayaa maantay dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Jaamacadda Galmudug State University iyo Laami yaraha. wadadan dhismaheeda waxaa iska kaashanaaya Jaamacadda GSU, Degmada iyo Ganacsatada dhulka ku leh hareeraha wadada.

News

Exciting News!

Today, on 17 November 2024, Galmudug State University and Simad University have officially signed a Memorandum of Understanding! This partnership aims at fostering collaboration in education, research, and community development. Together, the two sister universities look forward to creating and utilizing new opportunities for our bonafide students and making a positive impact in our dear communities. Here’s to a bright future!

Scroll to Top