Galmudug State University

Author name: GSU

News

BOOQASHADA GUDOOMIYAHA DEGMADA CADAADO

Guddoomiyaha Degmada Cadaado ayaa maanta kormeeray tababarka ka socda Jaamacadda GSU. Tababarkan, oo loo qabtay ardayda fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Degmada Cadaado, ayaa ku saabsanaa sida loo soo koobo maadooyinka iyo habka loo diyaariyo imtixaanka. Guddoomiyuhu waxa uu hadal kooban oo dhiirigelin ah u jeediyay ardayda ka qeybgalaysa tababarka.

News

BOOQASHADA WASAARADDA WAXBARASHADA GALMUDUG

WAFDI SARE OO KA SOCDA WASAARADDA WAXBARASHADA GALMUDUG OO BOOQASHO KU YIMID XARUNTA DHEXE EE JAAMACADDA GSU – CADAADO. Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Albashir Elmi Hussein, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid xarunta Jaamacadda Galmudug State University (GSU) ee Magaalada Cadaado. Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka & Maaliyadda Jaamacadda, Eng. Ibrahim Abdinoor, waxa ayna booqdeen qaar kamid ah fasallada ardayda ee xiisadaha qaadanayay, iyaga oo ardayda ku dhiirrigeliyay in ay ku dadaalaan waxbarashada. Wafdiga waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda sida: Dugsiyada, Manaahijta iyo Macallimiinta, Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, Dugsiyada Diiniga ah, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Cadaado iyo Madaxa Quudinta waxbarashada degmada. Wafdiga ayaa kulan la qaatay maamulka sare ee GSU, kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha waxbarashada, iyadoo la isku afgartay xoojinta iskaashiga u dhexeeya wasaaradda iyo jaamacadda, abuurista barnaamijyo horumarin ah, iyo cilmi-baarisyo wadajir ah si loo helo xog wax-ku-ool ah oo lagu hago horumarinta waxbarashada Galmudug. – Dhamaad –

Uncategorized

Dhismaha wadada Jaamacadda

Gudoomiyaha Jaamacadda GSU iyo Gudoomiyaha Degmada Cadaado ayaa maantay dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Jaamacadda Galmudug State University iyo Laami yaraha. wadadan dhismaheeda waxaa iska kaashanaaya Jaamacadda GSU, Degmada iyo Ganacsatada dhulka ku leh hareeraha wadada.

News

Exciting News!

Today, on 17 November 2024, Galmudug State University and Simad University have officially signed a Memorandum of Understanding! This partnership aims at fostering collaboration in education, research, and community development. Together, the two sister universities look forward to creating and utilizing new opportunities for our bonafide students and making a positive impact in our dear communities. Here’s to a bright future!

Scroll to Top