Scholarships
Home / Scholarships
Wargelin Muhiim ah
Jaamacadda Galmudug State University-GSU waxey ku wargelinaysaa bulshada reer Galmudug inay bixinsayo deeq waxbarasho oo ku saabsan kuliyadda shareecada iyo Qanuunka. (Scholarship)
Fursaddan waxbarasho ayaa u furan dhalinyarada daneeneysa inay bartaan shareecada Islaamka iyo qanuunka si ay aqoontooda sare ugu qaadan kadibne ugu adeegaan bulshada, gaar ahaan dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka.
Waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan ardayda xiisaynaysa fursaddan inay sida ugu dhaqsiyaha badan isku diiwaangeliyaan ulana xiriiraan xafiiska is diiwaan gelinta jaamacadda-GSU.
Shuruudaha is diiwaan gelinta waa shihaado dugsi sare iyo shihaada macaahidda diiniga ah.
Fadlan kala xariir xaafiiska is diiwaan gelinta Jaamacadda, wixii faah faahin intaas dheer.
Wac: 0612580758/0614553336
Fursaddii la’ wada sugaayay.
Jamacadda Galmudug State University waxay ugu bisharaynaysaa gabdhaha reer Galmudug inay u hayso fursad waxbarasho oo lacag la’aan ah. Hadaba si aad uga faa’iidaysato soo booqo Xarunta jaamacadda GSU ama nagala soo xirir 61 2580758