WAFDI SARE OO KA SOCDA WASAARADDA WAXBARASHADA GALMUDUG OO BOOQASHO KU YIMID XARUNTA DHEXE EE JAAMACADDA GSU – CADAADO.
Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Albashir Elmi Hussein, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid xarunta Jaamacadda Galmudug State University (GSU) ee Magaalada Cadaado. Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka & Maaliyadda Jaamacadda, Eng. Ibrahim Abdinoor, waxa ayna booqdeen qaar kamid ah fasallada ardayda ee xiisadaha qaadanayay, iyaga oo ardayda ku dhiirrigeliyay in ay ku dadaalaan waxbarashada.
Wafdiga waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda sida: Dugsiyada, Manaahijta iyo Macallimiinta, Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka, Dugsiyada Diiniga ah, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Cadaado iyo Madaxa Quudinta waxbarashada degmada.
Wafdiga ayaa kulan la qaatay maamulka sare ee GSU, kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha waxbarashada, iyadoo la isku afgartay xoojinta iskaashiga u dhexeeya wasaaradda iyo jaamacadda, abuurista barnaamijyo horumarin ah, iyo cilmi-baarisyo wadajir ah si loo helo xog wax-ku-ool ah oo lagu hago horumarinta waxbarashada Galmudug.
– Dhamaad –